Cagaarshowga waa cudur dhibaato weyn ku haya Caafimaadka Bulshada Cudurka Cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July maanta oo kale waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga Adduunka (World Hepatitis Day) si bulshada loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan halista ah oo sida aamusan dadka u dila (Silent Killer). Hal-ku-dhigga sanadkaan 2020 waa “Mustaqbalka iyo Ciribtirka Cagaarshow-ga “Hepatitis-free Future”. Cudurka cagaarshowga waxaa sababa feyrusyo kala duwan kuwaasoo keena burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E. Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV). Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan , wuxuu ku badan yahay caruurta, dadka waaweyna wuu ku dhacaa, hab saf mar ah ayuu leeyahay (Outbreak). Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badana ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM. Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto, khudrad, miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro. Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood, xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii. Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa, wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form). Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV) Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah (Chronic). Wuxuu cudurkaan horey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta dad gaaraya 257 milyan (Chronic Infection) waxaana sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan. Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis (Chronic infection). Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:- Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%. Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay). Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo. Qalabka ama Sakiinta Gar-xiirka, madax xiirka oo wadar loo isticmaalo. Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual Intercourse). Wuxu kaloo ku gudbaa qalabka daawo dhaqameedka loo isticmaalo sida:- – Dalqa goynta, qun goynta, ilka bixinta , gudniinka fircooniga, gudniinka ragga si wadajir ah, dhalma dhaqameedka, sarsarmada, toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin. Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:- – Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo. – Bukaanada kelyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis) – Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka – Bukanada HIV qaba oo difaacooda hooseeyo. Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) uu boqal jeer (100%) ka dhaqsiyo badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka. Feyruskan cagaarshowga B, todoba maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaas ku gudbin kara cudurka. Cagaarshoowga C (Hepatitis C Virus – HCV). Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirada aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 71 milyan oo qof; sanad kasta tirada bukaanka cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaareysaa 1.75 milyan. Waxaana sanad kasta u dhimata 400,000 qof. Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay ama la ogaaday sanadkii 1989, horay waxaa la dhihi jirey (non-A, non-B hepatitis) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka horeeyay, wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis). Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow. Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood). Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaana keentay magaca la siiyay oo ah dilaaga aamusan (Silent Killer). Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga. Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:- Qeybta Hore :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka wuxuu qabaa calaamooyinka sida labo-labo, bog xanuun, madax xanuun, matag, cuntada uu qaadan kari waayo, daal badan, xumad, quun xanuun, murqo xanuun, xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkaas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho. Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase): Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha, oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midab cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinaca beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxay jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc. Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence Phase): Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaraanayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada, bukaanka waa ka soo fiicnaanayaa calaamadihii hore laakiin taas macnaheedu ma ahan in bukaanku ka reystay cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa waxeyna qaadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah. Dabka iyo Cagaarshowga: Bulashada Soomaaliyeed qaar badan waxay aminsanyihiin in cudurka Cagaarshowga lagu daaweeyo dabka bukaanka la gubo. Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiraan. Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney saddexdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxdo inuu jiri karo 2,3 ilaa 4 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadaba waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestay, taasaana waxay keeneysaa in bukaanku dib u bilaabo socod iyo dhaqdhaqaaqiisii nolol maalmeed midaasoo sii xumeyn doonto xaalada Caafimaad ee Beerka