Sannad kasta, maanta oo kale 14-ka November,

Sannad kasta maanta oo kale 14-ka November, waxaa dunida laga xusaa maalinta cudurka Macaanka (World Diabetes day) si kor loogu qaado wacyiga bulshooyinka ee la xiriira halista cudurkan iyo sidii looga feejignaan lahaa.

Macaanka waxaa uu ka mid yahay cudurada daba-dheeraada (Chronic Disease) waxaa la nool malaayiin qof oo adduunka ku baahsan, iyadoo sanad walba ay u dhintaan dad fara badan.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Sonkorowga (IDF) ayaa maalintan u aqoonsaday in diiradda la saaro ka hortagga cudurka macaanka, khatartiisa caafimaad, iyo maaraynta iyo la noolaanshaha cudurka.

Sonkorowga waa cudur lagu asteeyay heerarka sonkorta dhiigga oo sarreeya. waa jirro daba-dheeraata oo jirku soo saaro qaddar aan ku filnayn oo insulin ah ama uu awoodi waayo in uu isticmaalo insulinta uu soo saarto si hufan.

Hadii aad la nooshahahay cudurka Macaanka ku dedaal inaad qaadato mar walba talooyinka dhaqtarkaaga ee la xiriira maareynta iyo daweynta cudurkan si aad uga badbaado waxyeeladiisa dambe ee dhanka Caafimaadka

Bukaanka si uu ula noolaado cudurkan waa in si taxadar leh ula tacaalo raashiinka, daawada iyo dhaqdhaqaaqa jirka, haddii kale wuxuu soo dedejin karaa cawaaqibtiisa xun (Complications) oo ay ka mid yihiin Dhibaato wadnaha, indhaha, xididada, Neerfaha, Kelyaha, iyo qaar kale.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top